Sheekh caan ka ah dalka Pakistaan oo lagu dhexdilay gurigiisa.
Dalka Pakistaan, waxaa lagu dilay mid kamid ah culimada diinta islaamka ee sida weyn looga garanayo wadamada Pakistaan iyo Afqaanistaan, kaas oo lagu magacaabo Al-mullaa Samiicul Xaq.
Sheekhan ayaa isagoo meyd ah waxa laga helay gurigiisa oo ku yaala magaalada Islaamabaad, warar kala duwan ayaana kasoo baxaya qaabka loo dilay.
Wararka qaar waxay sheegayaan in Mullaa Samiicul-Xaqq lagu dilay toorrey, halka warar kalana ay sheegayaan in rag hubeysan ay sheekha toogteen, kuwaas oo goobta isaga tagay.
Wiil uu dhalay Sheekha la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aabihiisa uu doonayay inuu ka qeybgalo banaanbax lagu difaacayo Nabiga sallaahu caleyhi wassalam oo ka socday magaalada Islaamabaad, balse uu dib usoo laabtay wadooyinka oo xirnaa awgeed.
Wiil kale oo uu sheekhu adeer u yahay ayaa isagana wuxuu warbaahinta u sheegay in rag hubeysan ay soo galeen guriga sheekha oo uu xilligaas keligii joogay, dhowr jeer ayayna toorreeyeen, kadibna xabado ayay ku shannaqeen.
Sheekhan ayaa kamid ah culimada waaweyn ee caanka ka ah wadamada Pakistaan iyo Afqaanistaan, waana mid kamid ah culimada madarasada Al-xaqqaaniyah, waxaana uu soo wax baray hogaamiyaal caan ka ah Jihaadka Khuraasaan oo uu ku jiro Mulla Cumar Mujaahid, amiirkii hore ee Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Dowaladda Pakistaan ama malleeshiyaad ay iyadu maalgeliso ayaa loo badinayaa iney ka dambeeyaan mas’uuliyadda dilka sheekh Mullaa Samiicul-Xaqq.
Waxaa lagu wadaa in sheekha loo sameeyo Janaazo weyn, taas oo ay kasoo qeygeli doonaan inta badan muslimiinta Pakistaan.