wararka

Taliyihii Saadka Ciidamada Bankrafta iyo Sarkaal kale Oo lagu dilay Kamiin ka dhacay Shabeellaha hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay u dhigeen ciidamo iyo saraakiil katirsan kuwa Bankrafta oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran oo uu ku shaqeysto Maraykanka.

Askarta kamiinka loo dhigay waxaa watay Cabdi Cali oo ah taliyaha qeybta saadka ee ciidamada Bankrafta, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ku guuleysteen iney goobta ku dilaan taliyaha iyo sarkaal kale oo aan magaciisa helin.

Kamiinka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Warxaman iyo degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay  labo askari oo la socotay Taliyaha.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda kamiinkan dhaliyay khasaaraha adag, waxaana mudooyinkii dambe Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii kordhisay weerarada sida gaar ah ugu beegsaneyso ciidamada Bankrafta ee daacadda u ah Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*