Warbixin: Sooyaalka Howlgalladii Loogu Aarguday Nabi Muxamed ﷺ.

Marwaliba oo aad indhaha la raac-raacdo sooyaalka taariikhda, waxaad arkeysaa in cid waliba oo ku xadgudubtay kuna dhiiratay nabiga Sharafta leh in ay la kulmi jirtay cawaaqib kulul oo kaga timaada xagga Allaah taas oo sabab looga dhigo muwaxidiin jecel nabigooda oo noocooda laga heli karo dadkii hore iyo dadkii dambe.

Waxay taariikhdu ku xusuusineysaa maalmihii Maxamed bin Maslama iyo howlgalkii fariidka ahaa ee uu qudha kaga jaray Kacab Ibnu Ashraf oo ahaa mid ka mid ah acdaa’dii ugu adkeyd ee uu lahaa Nabigeena Muxamed Sallaahu caleyhi wassalam..

Kacab binul Ashraf, wuxuu kamid ahaa madaxda Yahuudii degneyd magaalada, dagaalkiisa ka dhanka ah islaamkana wuxuu gaaray meeshii ugu sarreysay.

Marka laga soo tago hurinta dagaalada ka dhanka ah muslimimiinta ee uu caanka ku ahaa iyo aflagaadadii uu ku hayay saxaabada iyo zowjaatkooda, wuxuu sidoo kale gaalkan lafdhuun gashay ku ahaa Nabigeena Muxamed Sallaahu caleyhi wassalam, heer uu Nabigu dhibsaday shartiisa iyo aflagaadada uu wado.

Sida ku cad Axaadiista ka sugan Nabi Muxamed Sallaahu caleyhi wassalam, wuxuu maalin maalmaha ka mid ah Nabigu yiri: “yaa igaga filnaada Kacab  binul Ashraf, wuxuu dhibay Allaah iyo rasuulkiise”.

Qaar ka mid ah saxaabada  oo uu ku jiro saxaabiga jaliilka ah Muxamed bin Maslama oo ku sugnaa goobta joogay, wuxuuna saxaabigan dhabarka u ritay howlgalkan gaar ah taas oo aduunka lagu dhaafinayo gaalkaas kibray.

Wuxuu nabiga ku yiri: “ ma waxaad jeceshahay inaan dilo”, Nabigana ayaana ugu jawaabaya “ Haa”.

Wuxuu u tagay Kacab isagoo isaga dhigay inuu u baahanyahay deen, markaas ayuuna Kacab soo jeediyay iney rahan ahaan ugu dhiibaan dumarkooda, ama caruurtooda, arimahaasna waxaa ka cudur daartay Muxamed bin Maslama, isagoona ku qanciyay in  rahan ahaan uu ugu dhiibayo hub

Xilli habeen ah ayay ballameen, si loo kala qaato badeecada iyo hubka, Muxamed bin Maslama iyo rag la socday ayaana banaanka guriga ugu wacay Kacab binul Ashraf, kaas oo durba soo ajiibay isagoo kibir iyo isla weyni isla qaad-qaadaya.

Balse ma ogeyn inuu soo doontay halaagiisa, ayna noqon doonto habeenkii ugu dambeysay ee noloshiisa, Muxamed bin Maslama iyo raggiisa ayaana howshii u qabtay sidii loogu talalagalay.

Halkan ka dhagayso Warbiixn Sooyaalka Howlgallada Loogu aarguday Nabiga Sallaahu Caleyhi-Wassallam.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.