wararka

Wasiirka Garsoorka Maraykanka Oo is casilay.

Jeff Sessions oo ahaa wasiirka Garooska maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib codsi uga yimid madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump.

Kahor inta uusan is casilin Jeff Sessions wuxuu la kulmayay dhaleeceyn xoogan iyo weerar afka ah oo uu Donald Trump ku qaaday, isagoo adeegsanaya warbaahinta iyo baraha bulshada.

Wuxu wasiirku ku howlanaa baaritaanka lagu hayo in dowladda Ruushka ay faragelin ku sameysay doorashooyinkii madaxtinimo ee uu ku guuleystay Donald Trump.

Is casilaada wasiirkan waxay timid maalin kadib markii wadanka Maraykanka uu ku dhacay dooorashooyin cusub oo aqalka Congreska ah, kuwaas oo aqlabiyadooda ku guuleysteen xisbiga Dimuqraadiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*