wararka

Weerar ka dhacay magaalada Al-Qudus oo waxyeello lagu gaarsiiyay Askar Yahuud ah.

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka muslimka ah ee Filastiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala bariga magaalada Al-Qudus, kaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Yahuudda.

Sida ay sheegayaan warbaahinta maamulka Yahuudda, wiilka filastiiniga ah ayaa toorreeyay askari Yahuudi ah oo katirsan Police-ka maamulka Yahuudda, waxaana markaas kadib uu isku dayay inuu ka baxsado goobta.

Askar ka ag dhaweyd halka uu weerarku ka dhacay ayaa isku dayay iney toogtaan wiilka mujaahidka ah, balse rasaastii ay u wadeen ayaa haleeshay askari kale, taas oo khasaaraha ka dhigtay dhaawaca labo askari.

Inkastoo maamulka Yahuudda uusan sheegin ruuxa weerarka fuliyay iyo iney gacanta ku dhigeen iyo inkale, hadana warbaahinta Yahuudda  waxay xaqiijinayaan inuu dhaawacmey fuliyaha weerarka.

Marar badan, dhulka Filastiin waxaa ka dhacay weeraro kaligii duulnimo ah, kuwaas oo ay fulinayaan dhalinyarada muslimiinta oo diidan gumeysiga ay Yahuuddu ku heystaan dhulkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*