Xillibaan katirsan Hir-Shabeelle Oo Muqdisho Lagu dilay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay xillibaan katirsan maamulka Hir-shabeelle ee uu hogaamiyo Waare.

Xillibaan Cabdi-Weli Maxamed Ibraahim ayaa gaarigiisa waxaa lala eegtay qarax aad u xoogan, xilli uu marayay nawaaxiga madaxtooayada uu deganyahay Farmaajo  ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo xiray wadada, iyagoo goobta ka qaaday meydka xillibaanka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Xillibaankan katirsan maamulka Hir-Shabeelle.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.