Agaasime Wasaaradeed Oo Lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Gelinkii dambe ee maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lagu dilay xubin katirsan shaqaalaha wasaaradaha dowladda federaalka.

Gaari uu watay Saacid Xuuki oo ahaa agaasimaha wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa qarax culus lala eegtay xilli uu marayay nawaaxiga isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Gaari nooca karibta loo yaqaano ayuu watay Agaasimaha, waxaana markii qaraxa lala eegtay durba geeriyooday Saacid Xuuki.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka ayaa goobta soo gaaray qaraxa kadib, kuwaas oo qaaday meydka Agaasimaha qaraxa lagu dilay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu dilay agaasimihii wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.