Banaanbaxyada dalka Suudaan oo weli socda, iyadoona dadku codsanayaan inuu is casilo Al-Bashiir.

Magaalooyin badan oo katirsan wadanka Suudaan waxaa ka socoanaya dibad baxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka shacabka, kuwaas oo kasoo horjeeda xukuumadda uu hogaamiyo Cumar Xasan Al-bashiir.

Maalintii shalay iyo manta waxaa dhacaya banaanbaxyo ay dhigayaan dadka shacabka ah, gaar ahaan ardeyda dugsiyasa sare, waxayna dadka kasoo horjeedaan sara ukaca ku yimid qiimaha Rootiga iyo Shidaalka.

Magaalada Al-Hudaa ee gobolka AlJazeera ayay ka dhaceen banaanbaxyo ballaaran, waxayna dadka dhigayay bananabaxyada ay gubeen xarumo dowladeed, iyo goobo ganacsi.

Ciidamada Police-ka ayaa xilli dambe isku dayay iney kala eryaan dadka, waxaana dhinacadooda ay qeyb ka noqdeen dadka burburinayay xarumaha dowladda iyo goobaha ganacsiga.

Banaanbaxyadan ayaa kusooo aadaya, xilli dhawaan Al-bashiir uu shaaca ka qaaday in dowladiisu ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha doonaya iney dhibaato geliyaan wadanka Suudaan.

Haddii bananabaxyadu sii socdaan waxaa suurgal ah in dalku galo xaalad ka duwan mida uu haatan ku jiro, mana muuqata ifafaallo muujinaya in Al-bashiir uu u hogaansami doono dalabaadka shacabka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.