Boosaaso Oo lagu Weeraray ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ka fuliyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar ku ekeeyay bar kontorool oo ay magaalada ku leeyihiin ciidamo katirsan maamulka Puntland, waxaana la is dhaafsaday rasaas kulul.

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa lagu dilay weerarka, halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Dadka magaalada Boosaaso ayaa hadal haya weerarkii xalay ka dhacay magaalada, waxaana maalmihii dambe sii kordhayay weerarada ay magaalada ka geysanayana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.