Ciidamo Ameericaan ah oo ku dhintay burbur diyaaradeed.

Wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka waxay shaaca ka qaaday dhimashada Ciidamo Ameericaan ah, kadib markii ay la burburtay diyaarad dagaal oo ay  saarnaayeen.

Ciidamada Maraykanka ah ee dhintay ayay diyaaraddu kula burburtay xeebaha dalka Japan, halkaas oo saldhigyo milliteri ku leeyihiin ciidamada dowladda Maraykanka.

Ugu yaraan 5 askari oo Maraykan ah ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen, kadib markii ay badda kula dhacday diyaaraddii ay saarnaayeen oo  ay cillad soo wajahday.

Wasaaradda dagaalka ee Maraykanka the Pentagon waxay intaa ku dartay in diyaaraddu burburtay todobaadkan gudihiisa, maalmahanna ay socdeen baaritaanno lagu raadinayo goobta rasmiga ah ee ay ku burburtay.

Dhowr jeer oo hore, waxaa dalka Japan ku dhintay ciidamo Ameerican ah, kadib markii ay soo wajahday arimo noocan oo kale ah, waxaana dalkan uu Maraykanka ku taageeraa duulaanka uu ka wado caalamka Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.