DEG-DEG: Mukhtaar Roobow Oo Baydhabo lagu xiray.

Mukhtaar Roobow oo booqasho ugu tagay safiirka Ingiriiska

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in goordhow magaaladaas lagu xiray Mukhtaar Roobow oo ahaa mid kamid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada maamulka Koonfur-galbeed.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa iney guriga Mukhtaar Roobow u dheceen, islamarkaana halkaas kasoo kaxeysteen.

Inkastoo la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xiritaanka Mukhtaar Roobow, hadana waxaa loo maleynayaa inuu salka ku hayo khilaafka u dhexeeyay isaga iyo dowladda dhexe ee Farmaajo hogaamiyo.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa si adag u jirdilay Mukhtaar Roobow, lamana oga halka ay u kaxeysteen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.