wararka

Dowladda Turkiga Oo amartay in lasoo xiro mas’uuliyiin katirsan Maamulka Aala-Sucuud.

Wariye Jamaal Khaashqoji.

Warqad kasoo baxday Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Turkiga ayaa lagu amray in lasoo xiro labo mas’uul oo katirsan maamulka Aala-Sucuud.

Ragga la amray in lasoo xiro waxay kala yihiin Axmad Casiiri oo ahaa kuxigeenkii taliyaha guud ee Sirdoonka maamulka Aala-Sucuud iyo Sucuud Al-qaxdhaani oo ahaa la taliyihii hore ee Muxamed bin Salmaan.

Labadan mas’uul ayaa waxaa horey loogu eedayay iney mas’uul toos ah ka ahaayeen dilkii wariye Jamaal Khaaashiqji, waxaana markii ay soo baxday fadeexadaas uu boqorka Aala-Sucuud uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday.

Weli dowaldda Turkiga waxay daba taagantahay qadiyadda Jamaal Khaashiqji oo lagu dhex dilay qunsuliyadda maamulka Aala-sucuud ee magaalada Istanbuul, waxaana la ogaaday in Muxamad bin Salmaan uu yahay qofka bixiyay amarka lagu dilay wariyahaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*