Gudoomiye Waaxeed katirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo La dilay.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir waxay ku dileen gudoomiye waaxeed katirsan maamulka degmadaas.

Gudoomiye waaxeedka la dilay waxaa lagu magacaabaa Xaaji Iikar, wuxuuna gudoomiye ka ahaa waaxda Horseed ee degmada Xarmar-weyne.

Rag hubeysan ayaa dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana ay ka qaateen bastoolad uu ku hubeysnaa.

Dhowr daqiiqo kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo qaaday meydka Xaaji Iikar.

Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaya ugaarsiga ay ciidamada Mujaahidiintu ku hayaan saraakiisha iyo xubnaha dowladda federaalka, waxaana faraha kasii baxay amniga magaalada caasimadda ah ee ku jirta gumeysiga Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.