Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee Kuunyabarrow oo Dowro Loo soo gebe-gebeeyay.(SAWIRRO)
Wilaayada Islaamiga ee Shabeellaha hoose ayaa dowro diini ah oo muhiim ah waxay usoo gebe-gebeysay macallimiinta wax ka dhiga madaarista Quraanka kariimka ee deegaanka Kuunya-barrow ee wilaayadaas.
Dowradan oo socotay 15 maalmood oo xiriir ah waxaa lagu qaatay duruus kala duwan oo muhiim u ah macallimiinta, sida habka loo maareeyo waqtiga, qaababka ugu wanaagsan ee Ardayda loo bari karo Quraanka, iyo sidoo kale duruus la xiriirta Qur’aanka iyo culuumtiisa.
Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa loo qabtay macallimiinta dhamaadka dowrada, waxaana kasoo qeybgalay marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiinta Wilaayada oo uu ugu horeeyo waaliga Wilaayada Sheekh Maxamad Abuu Usaama.
Macallimiinta Dowarada loo qabtay ayaa ka mahad celiyay juhdiga la geliyay, waxayna sheegeen in wax badan ay ka faa’ideysteen, iyagoona codsaday in sidan oo kale marar badan loo qabto dowraad sharci ah, tirada macallimiinta dowarada loo qabtana waxay gaaraysaa 30 macallin.
Macallimiinta waxa la gudoonsiiyay jadwal nidaamsan oo ay ku diiwaangelin karaan Ardayga iyo halka uu wax marsiinayo, waxaana jadwalkaas uu fududeynayaa in macallinka iyo Waalidku iska war hayaan.
Hoos ka daawo Sawirro Idaacadda Al-Furqaan kasoo qaaday xafaladda gebe-gebada Dowrada.