Maraykanka Oo ku fashilmay Duulaan uu kusoo qaaday Awdheegle.(Dhagayso)
Saqdii dhex ee xalay ciidamo Maraykan ah oo ay la socdaan ciidamo soomaali ah ayaa duullaan gardarro ah kusoo qaaday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha-hoose, halkaas oo ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Mujaahidiinta oo sida muuqatay ka war hayay dhaq-dhaqaaqa Maraykanka ayaa si adag uga hortagay duullaanka Maraykanka, waxaana ciidamada Maraykanka qabsaday dagaal adag oo faraha looga gubtay, kaas oo in muda ah socday.
Diyaaradaha drone-ta Maraykanka oo hawada ku jiray ayaa duqeymo indha la’aan ah waxay ka geysteen magaalada si ay u badbaadiyaan ciidamadooda halista galay, waxaana Alle mahaddii ah in dhamaan duqeymahaas aysan geysan wax waxyeello ah.
Goobihii lagu dagaallamay waxaa lagu arkayaa saaka raadadka ciidamada Maraykanka, dhiig badan oo dhulka ku daatay, taas oo muujineysa in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu gaaray ciidamada Maraykanka.
Halkan hose ka dhagayso Wariye Cabdi-fataax Fillibiin oo ka waramaya siday wax u dheceen, isagoo la xiriiray qaar kamid ah dadka degmada Awdheegle.
Halkan ka dhagayso Xog ku aadan Weerarkii fashilmey ee Awdheegle