Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Cabdi Maxamed Culusow (Cabdi Madoobe) oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda ayaa saaka lagu dilay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sarkaalka ku toogtay nawaaxiga saldhiga Police-ka ee degmada Waaberi.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay markii ay gaareen hadafkooda, waxaana muda kadib goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo qaaday meydka taliye Cabdi-Madoobe.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidamada milliteriga dowladda, waxaana uu kamid ahaa kuwa daacadda u ah Shisheeyaha AMISOM ee ay aad ugu shaqeysan jireen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda dilka Cabdi Maxamed Culusow Oo loo yaqaano Cabdi-Madoobe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.