wararka

Taliyihii ciidamada badda Maraykanka ee bariga dhexe oo meydkiisa lag helay wadanka Baxreyn.

Wasaaradda dagaalka ee dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in meydka Admiral Scott Sterny oo ah taliyaha ciidamada badda Maraykanka ee bariga dhexe laga helay guri uu ka degnaa wadanka Baxreyn.

Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka qeybtooda badda ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa twitterka wuxuu ku xaqiijiyay geerida Admiral Scott Sterny, balse ma bixin wax faafaahin buuxda oo la xiriirta  geeridiisa.

Taliyaha geeriyooday oo 58 sano jir ah ayaa bishii May ee sanadkan waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamadda badda Maraykanka ee qaabilsan bariga dhexe, taliskooda dhexena uu ku yaalo wadanka Baxreyn.

Telefeshinka CNN ayaa shaaca ka qaaday in Admiral Scott Sterny uu 36 sano oo xiriir ah kamid ahaa ciidamada Maraykanka, soona qabtay jagooyin kala duwan oo dhanka ciidamada ah.

“Warkan wuxuu naxdin ku yahay qoyska Sterny iyo dhamaan ciidamada Maraykanka” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka oo la hadlay telefeshinka CNN, wuxuuna tacsi u diray guud ahaan shacabka Maraykanka.

Baarayaal ka socda dowladda Maraykanka oo kaashanaya wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda Baxreyn ayaa lagu wadaa iney billaabaan baaritaanno lagu ogaanayo sababaha keenay geerida Admiral Scott Sterny oo ahaa taliyaha ciidamadda badda Maraykanka ee qaabilsan mandiqadda loogu yeero bariga dhexe.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*