wararka

Waaliga Shabeellaha Hoose Sheekh Abuu Usaama oo ka hadlay Weerarkii fashilmay ee Awdheegle.(Dhagayso)

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha hoose Sheekh Maxamed Abuu Usaama oo waraysi siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan ayaa ka hadlay weerarkii fashilmay ee xalay degmada Awdheegle kusoo qaadeen ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayeen malleeshiyaad soomaali ah.

Waaligu wuxuu sheegay iney hayaan macluumada ciidanka duulaanka soo qaaday, Mujaahidiintuna ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen, taas oo keentay in durba markii ay magaalada soo galeen lagu billaabo rasaas xoogan.

Abuu Usaama wuxuu hoosta ka xariiqay iney rumeysanyihiin inuu jiro khasaare gaaray ciidamada Maraykanka iyo kaaliyaashooda, balse aysan jirin waxay isha saareen marka laga soo tago raadadka dhiig iyo faashado yaalay fagaaraha dagaalka.

Dhinac kale waaliga wilaayada Shabeellaha hoose Sheekh Abuu Usaama wuxuu soo hadal qaaday weerarkii weynaa ee lagu dilay gaalkii caayay Nabi Muxamad Sallaahu caleyhi wasallam, isagoona sheegay in weerarkaas uu ahaa mid barakeysan, Allana ku mideeyay quluubta umadda Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagayso Waraysiga uu bixiyay Waaliga Shabeellaha hoose Sheekh Muxamed Abuu Usaama.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*