Weerar kaligii duulnimo oo ka dhacay dhulka gumeysiga ku jira ee Filastiin.

Wararka ka imaanaya dhulka gumeysiga ku jira ee Filastiin ayaa ku waramaya in howlgal kelgii duulnimo uu ka dhacay mid kamid ah deegaannada ay Yahuudu xooga ku deganyihiin ee hoosyimaada daanta-galbeed.

Deegaan lagu magacaabo Goofra oo hoosyimaada magaalada Raamallaah ee daanta-galbeed ayuu weerarku ka dhacay, waxaana lagu qaaday gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad Yahuud ah oo xoog lagu dejiyay dhulalka Muslimiinta.

Ciidamada Police-ka waxay shaaca ka qaadeen in ugu yaraan lix ruux ay ku dhaawacmeen weerarkan, kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu aad u liidato, waxaana la dhigay isbitaallada ay Yahuudu ku leeyihiin dhulka Muslimiinta ee Filastiin.

Ciidamada Yahuudda ayaa wada baaritaanno ay ku raadinayaan raggii weerarka fuliyay, kuwaas oo goobta si nabad geliyo ah uga baxsaday markii ay fuliyeen howlgalkooda.

Marar badan waxaa magaalooyinka kala duwan ee dhulka Filastiin ka dhacay weeraro iyo howlgallo keligii duulnimo ah, kuwaas oo lagu beegsado ciidamada Yahuudda iyo xitaa shacabka Yahuudda oo ah dad xoog ku qabsaday dhul aysan lahayn.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.