Xillibaanno ka badbaaday Weeraradii Madaxtooyada Oo Muqdisho Ku geeriyooday.
Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xillibaanno katirsan Baarlamaannada dowladda federaalka iyo kan maamulka Koonfur-gableed ee uu hogaamiyo Lafta-gareen.
Labada Xillibaan ee geeriyooday waxaa lagu kala magacaabaa Col. Ruush oo katirsan baarlamaanka dowladda federaalka iyo Xillibaan Khayre Maxamad oo isagana katirsan maamulka Koonfur-galbeed.
Labada Xillibaan ee geeriyooday ayaa dhawaan ka badbaaday weerarkii lagu qaaday kontroolka koowaad ee xarunta madaxtooyada Villa-Somalia, waxaana labada xillibaan oo qabay cudurka dhiig-karka weerarka kadib ku kacay dhiiga, iyadoona la dhigay isbitallada wax lagu dabiibo.