3 Askari Oo katirsanaa Ilaalada madaxtooyada Jubbaland oo isku soo dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Magaalada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka waxaa lagu soo bandhigay cidamo katirsan maamulka Jubbaland, kuwaas oo ka towbad keenay falkii ay horey ugu jireen.
Saddex Askari waxay kamid ahaayeen Ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada maamulka Jubbaland, oo uu deganyahay madaxweynaha maamulka Jubbaland ninka lagu magacaabo Axmad Madoobe.
Askariga afaraad ee lasoo bandhigay waxaa uu ksoo tagay deegaanka Buula-gaduud oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan maamulka Jubbaland.