Al-Qaacida oo bogaadisay Weerarkii weynaa ee Riverside Nairoobi.(Warbixin)
Bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida, islamarkaana ay baahisay mu’assasada As-saxaab ayaa lagu bogaadiyay howlgalkii weynaa ee magaalada Nairoobi, 9-kii bishan Jamaadul Awal ka fuliyeen Inqimaasiyiin katirsan guutada Saalax Nabhaan ee Xarakt Ash-shabaabil Mujaahidiin.
Bayaankan oo ka kooban labo beyj, waxaa ciwaan looga dhigay “ Hambalyada howlgallada Qudus Lama Yahuudeynayo”, waxaana hogaanka sare ee Mujaahidiinta uu si diiran usoo dhaweeyey howlgalkii Riverside, iyo kii mataana lahaa ee mujaahidiinta Maali ku dileen tobanaan askari oo katirsan Qaramada Midoobay.
“Iyadoo uu socdo dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa, gumeysina lagu haysto halkii loo dheelmiyay nabigeena Sallaahu caleyhi wasallam, iyo in Qudus loo aqoonsaday caasimadda Yahuudda, hadana waxaan Umadeena taranka badan la mutaabaceyneynaa malxamadaha wiilasheeda baariyaasha ah ka dhigayaan Kaabul iyo Wardak, howlgallada ay libaaxyada Jeyshul-cura iyo halyeeyada Mali ka fulinayaan Kenya iyo Maali, iyo wacdaraha dhalinyarada muslimiinta dulmi diidka ah ka wadaan Shaam, kuwaas oo howgallo inqimaasi ah ku galaya ciidamada Nuseyriyada, iyo sidoo kale sara u kaca dhanka caskariga ee ragga Yaman, kuwaas oo xikmad iyo Iimaan kula sabartamaya Khawaarijta, waxaa waajib nagu ah inaan Allaah uga mahadcelino horaan iyo hadaba arimaha iyo qorshayaasha milliteri ee uu inoo dhameystiray, waxaan sidoo kale Allaah uga mahad celineynaa inuu nagu guuleeyay fulinta howlgallada Jihaadiga ee barakeysan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee mujaahidiinta Al-Qaacida.
Wuxuu bayaanku intaas ku daray “ waxaan ugu hambalyeyneynaa walaalaheena mujaahiddiinta iyo guud ahaan muslimiinta u sacyinaya hanaqaadka umadda muslimka ah, weerarada guuleystay ee lagu beegsaday bartamaha dhulka cadowga iyo xarumihiisa, waan taageereynaa, waana soo dhaweyneynaa billowga howlgallada loogu magacdaray “Qudus Lama Yahuudeynayo”,kuwaas oo dhimbilahoodii ugu horeeyay ay mujaahidinta geeska Africa ka shideen magaalada Nairoobi, halkaas oo ay dhibaato ku gaartay Saliibiyiinta iyo Maraykanka, kadib markii qaar kamid ah ardeyda walaalkena shahiidka ah Saalax Nabhaan ay beegsadeen dhismaha Riverside, oo xero u ah shirkadaha amniga iyo sirdoonnada saliibiyiinta iyo Sahyuuniyadda”.
Bayaanka ay baahisay mu’assasada As-saxaab, kana soo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta waxaa sidoo kale lagu hambalyeeyay weerarkii gobolka Kedaal ee dalka Maali ku beegsaday ciidamo katirsan Qaramada Midoobay, oo ka socday dalka Chaad, kaas oo isagana loogu magacdaray “Qudus Lama Yahudeyanyo’, ayna fuliyeen mujaahidiinta iyagoo ka dhiidhinaya booqasho uu xilligaas caasimadda wadanka Chad uu ku yimid ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda Natanyahu.
“Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa weerarkii fursaanta saxaraha Maqribul Islaam ay ku dhadhansiiyeen ciidamada xukuumadda Chad cadaab aduunyo, maadama xukuumadooda ay u sacyineyso in xiriir muuqda ay la yeelato maamulka Sahyuuniyadda, waxaana camaliyadaas barakeysan kusoo aaday iyadoo booqasho uu ku yimid dhulka islaama ee Chaad, dhiigya cabka Yahuudiga ah ee Natanyahu”. Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida.
Bayaanka wuxuu ku dheeraaday ka hadalka mashruuciyadda howlgallada la midka ah Reverside, ee ay mujaahidiintu ku beegsadaan danaha iyo masaalixda Reer-galbeedka iyo Yahuuda waxaana lagu yiri :-
“Jacaylka shahaadada iyo in la jiiro cadowga, lana baaba’iyo dhawaaqiida iyo daalimiinta waa camal sharci ah, ayna isku waafaqsanyihiin dadka caqliga iyo fidhrada saliimka leh, sidaas darteed waxaan aad u bogaadineynaa, soona dhaweneynaa dhamaan howlgallada Jihaadiga ee lagu diidanyahay Yahuudeynta Filastiin, laguna doonayo in lagu soo celiyo Masjidul-Aqsaa oo ah halkii loo dheelmiyay Nabigeena sallaahu caleyhi wasallam, waxaana ku tirineynaa ragga inqimaasiyiinta ah, iyo halyeeyada istish-haadiyiinta keyd istiraatiiji ah oo ay leedahay umadda muslimka ah, isagana caabineyso isbaheysiga xamalada saliibiyadda iyo Sahyuuniyadda”.
Wuxuu bayaanku intaas sii raaciyay “ walaalaha Inqimaasiyiinta ah, waxaad camaliyaadkiina barakeysan dib ugu celiseen Jihaadka siiradiisi hore, oo ahayd run sheegida, cadeynta xaqqa iyo ka marqaati kaca cadaaladda,Allaahna wuu idin waafajiyay markaad u boodeen sida uu u boodo libaaxa gaajeysan, cabsidana aad ka siibteen quluubta, nafta umadana ku kiciseen, islamarkaana ku dhiirageliseen in loo qiiroodo Allaah, iyo rasuulkiisa”.
Bayaanka waxaa baaq muhim ah loogu jeediyay dadka muslimiinta, iyadoona lagu waaniyay iney soo haleelaan saaxaadka jihaadka iyo fagaarayaasha Nafhurka.
“Usoo deg-dega saaxaadka Nafhurka iyo sugnaanta, koox koox usoo baxa, dhamaantiina hor istaaga tareenka dadka looga tallaabinayo buundada neceybka Yahuudda, la yimaada nafhur dheeri ah, sabar iyo la sabartanka cadowga, Qudus waa caasimadda Filastiin, guushana way soo dhowdahay, mustaqbalkana diinta islaamka ayaa leh, qofka liibaaneyna waa midka uu xilligan Allaah u doorto ilaalinta diinta, difaaca muqadasaatka iyo qadaayaaadka mucaasirka ee muslimiinta”.
Hogaanka sare ee Qaacidatul Jihaad, waxay fariin muhiim ah u direen guud ahaan dowladaha reer-galbeedka iyo Yahuudda, fariintaas oo ah in wadamada muslimiinta ay noqon doonaan qubuurahooda.
“ Waxaan ku leenahay Saliibiyiinta iyo Yahuuda horarka ku ah diinteena, wadamadeena iyo muqadasaatkeena, la idin kuma soo dhaweynayo wadamada islaamka, waxay qubuur iyo jaxiimo u yihiin kuwa xadgudbay, iyo buqaada, waxaad umadeena dhadhansiiseen dhibaatooyin badan, waxaad soo farageliseen arimaheena, sidas darteed weerarada aan idin kusoo qaadeyno waa kuwa is xig xigi doona, intaba taageerada aad sineysaan Yahuuda ay sii socoto, guutooyinka Inqimaasiyiintana way idin soo socdaan, iyagoo idin ku waaberiisinaya geerida, si aad gacmahooda ugu dhadhamisaan cadaab xanuun badan”.
Ugu dambeyn hogaanka sare ee mujaahidiinta Al-Qaacida waxay la hadleen muslimiinta Filastiin ee kujira gumeysiga maamulka Yahuudda.
“walaalaheena muslimiinta Filastiin waxaan idin sheegeynaa inaan idin la jirno, qadiyada Qudusna waa qadiyadda koowaad ee degtay laabteena, sidaas darteed marna ma ogolaan doonno in la yahuudeeyo, walaalaheena halkaas joogana waan u bishaareyneynaa, waana xasilineynaa, waxaana u sheegeynaa in calaamada bishaarooyinka guusha kama dambeyska ah ay isdaba yaalaan”.