Al-Shabaab Oo Madaafiic Ku garaacay Saldhiga ciidamada Jubaland ee Baar-Sanguuni.

Gelinkii dambe ee maanta, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay saldhiga ay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Maraykanka daacadda u ah ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Ugu yaraan 30 gantaal ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qeybtooda Jugta-culus ku garaaceen saldhiga Baar-sanguuni, waxaana la rumeysanyahay in duqeyntu ay geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiil katirsan Mujaahidinta oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Allaah fadligii waxaa maanta Mujaahidiinta u suuragashay in ay 30 gantaal ku dhuftaan saldhigga maleeshiyaatka Murtadiinta ee Baar-Sanguuni, waxaana duqeyntu ay ahayd mid sugan oo lala helay goobihii bartilmaameedka ahaa.

Duqeyntan ayaa timid, xilli dhawaan saldhigaas ay Mujaahidiintu ku qaadeen dagaal culus oo khasaare adag lagu gaarsiiyay malleeshiyaadka maamulka Axmad Madoobe, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkaas ay Mujaahidiintu ku dileen 41 askari.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.