Baarlamaanka Oo Ansxiyay Xeer ogolaanaya in Bankiga dhexe uu mas’uul ka noqdo Nin Ajnabi ah.
Kulan maanta ay isugu yimaadeen golaha baarlamaanka dowladda federaalka ayay ku meel mariyeen qodob u ogolaanaya in qof Ajnabi ah uu masuul ka noqdo bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamad Mursal ayaa codeynta kadib wuxuu shaaciyay Natiijada soo baxday, wuxuuna sheegay in xeerka wax ka bedelka maamulka Bankiga dhexe ay ansixiyeen xillibaano gaaraya 158-Xildhibaan , halka ay diideen 17-Xillibaan, sidaasina uu ku meel maray xeerka.
Arintan ayaa horudhac u ah hindise ay Farmaajo iyo Kheyre ku doonayaan in madaxa bankiga dhexe ay ka dhigeen nin u dhashey dalka Ingiriiska.
Qaar kamid ah Xillibaannada dowladda oo u muuqday kuwa aan la siin laaluushka ay Villa Somalia bixineysay ayaa sheegay iney khiyaano qaran tahay meel marinta xeerkan, waxaana qaarkood hadal jeedinta Baarlamaanka ay ka sheegeen iney dhaliilsanyihiin xeerka wax kabedelka maamulka Bankiga dhexe.