Ciidama uu ku adeegto Maraykanka Oo Falal Amni darro ah ka geystay qeybo kamid ah Shabeellaha-hoose.

Ciidamada Bankrafta ee daacadda u ah kuwa Maraykanka ayaa habeenkii xalay waxay weerar kusoo qaadeen deegaan hoostaga degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha-hoose.

Saqdii dhexe ee xalay ayay ciidamadan kusoo degeen meel u dhow deegaanka Hanti-wadaag oo 12KM u jira degmada Jannaale, waxayna halkaas ka geysteen falal qarbudaad iyo cabsi gelin isugu jira.

Ugu yaraan 3 guri oo ay leeyihiin dad beeralay ah, islamarkaana caan ka ah deegaanka ayay dab ku daareen oo ay gubeen, mana jirto khasaare dhimasho iyo dhaawac oo arintaas ka dhashay.

Waxay sidoo kale Askartan garaacis iyo cagajugleyn isugu dareen dadka deegaanka, taas oo cabsi iyo sas ku riday dadka jilicsan sida dumarka iyo caruurta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.