DEG-DEG: Ciidamada Itoobiya Oo kamiin adag ku qabsaday Gobolka Baay.
Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in kamiin culus ay la kulmeen kolonyo milliteri oo katirsan ciidamada Itoobiya, kuwaas oo isticmaalayay wadada u dhexeysa Baydhabo iyo Buur-hakaba.
Kamiinka oo ah mid aad u culus, islamarkaana rasaasta la isku adeegsanayo laga maqlayo deegaannada baadiyaha ee ka fog goobta uu dagaalka ka socda, ayaa waxaa jira khasaare culus oo gaaray ciidamada Xabashida.
Waxaan soo gudbin doonnaa Wixii soo kordha Inshaa’Allaah.