DEG-DEG: Is rasaaseyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Maraykanka.
Wararka ay warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Maraykanka ay qorayaan ayaa sheegaya in is rasaaseyn xoogan oo ka dhacday meel u dhow magaalada Los Angles ay geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qof hubeysan iyo Police-ka ayaa dagaal uu dhexmaray, waxaana lagu soo waramayaa in ugu yaraan 3 ruux ay dhinteen, halka 4 kalana ay dhaawac yihiin.
Dagaalka ayaa ka socda goob lagu magacaabo Gable House Bowl, oo hoostagta xaafadda Torrance ee magaalada Los Angles.
Saraakiisha Police-ka ayaa u sheegay dadka ineysan kasoo ag dhawaan goobaha ay xabadu ka socoto, taas oo muujineysa in xaaladdu ay tahay mid adag.
“Waxaan maqlay rasaas xoogan, illaa ugu yaraan 9 xabadood ayaan maqlay oo dhaceysa, taas oo ay is dhaafsanayaan Police-ka iyo qofka weerarka soo qaaday” ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta.
Police-ka ayaa isku dayaya iney soo afjaraan weerarka, balse weli waxaa muuqaneysa iney awoodi la’yihiin.
Dowladda Maraykanka weli kama hadlin cida ay ku eedeyneyso weerarkan, mana jirto cid sheegatay.