Faafaahin: Kontormeeyo Askar Itoobiyaan ah oo Lagu dilay Dagaal ka dhacay Baay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kamiin isku bedelay dagaal toos ah waxay u dhigeen ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo ku safrayay inta u dhexeysa Baydhabo iyo Buur-hakaba oo kamid ah gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa khasaare culus dhabarka loogu saaray ciidamada Itoobiya, iyadoona marba marka ka dambeysa ay soo baxayaan warar hor leh.

Wararka kusoo dhaacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa sheegaya in dhimasahada ciidamada Itoobiyaanka ay caga-cageyneyso kudhawaad 60 askari, waxaana jira ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo dhaawacan ku firxday howdka halka uu dagaalka ka dhacay.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gubeen illaa iyo lix gaari oo ay wateen ciidamada Itoobiyaanka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ka hortageen ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo gurmaday magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba, waxaana sidoo kale ay duqeeyeen saldhig Itoobiyaanku ku leeyihiin magaalada Buur-hakaba.

Marba marka ka dambeysa waxaa suurgal ah in khasaaraha dhimashada uu aad u bato, maadaama ay jiraan meydad ku qarsoon howdka, iyo dhaawacyo ku dhiig baxaya goobaha u dhow halka uu dagaalku ka dhacay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.