Faafaahin: Kudhawaad 50 Ruux oo ku dhintay Weerarka weli ka socda xarunta 14 Riverside ee Nairoobi.
Waxaa la helayaa macluumaad horudhac ah oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka weli ka socda dhismaha weyn ee 14 Riverside ee magaalada Nairoobi, kaas oo ay weerar ku qaadeen ciidamo katitrsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay howlgalka ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, maadaama ay ciidamada Mujaahidiinta ka dhex dagaallamayaan gudaha dhismaha, waxaana warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Al-Furqaan uu sheegayaa in khasaaraha dhimashada ee hadda la ogyahay uu gaarayo 47 ruux.
Ciidamada Kenya noocyadooda kala duwan ayaa ku sugan agagaarka dhismaha 14 Riverside, waxaana hadda dagaalka kusoo biiray milliteriga, illaa iyo hadana waxay awoodi la’yihiin iney gudaha u galaan dhismaha.
Isbitaallada caafimaadka ee magaalada Nairoobi ayaa dalbanaya gurmad dhiig, maadaama ay jiraan dhaawacyo badan oo dhiig bax u dhiman kara, haddii aan lagu shubin wax dhiig ah.
Dowladda Kenya ayaa xaqiijineysa in ragga weerarka soo qaaday ay weli ku jiraan dhismaha, ayna rasaas xoogan soo ridayaan.
Baraha bulshada gaar ahaan Twitterka oo Kenyaatigu aad u isticmaalaan ayaa waxay isku dhaafsanayaan fariimo murugo xambaarsan, waxaana dadka qaar ay soo jeediyeen inaan la wicin dadka ku go’doonsan dhismaha oo qaarkood isku dayaya iney dhuuntaan, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta in la arko halka ay ku dhuumaaleysanayaan.
Warbaahinta Caalamiga ah iyo kuwa gudaha Kenya ayaa tabinaya dagaalka galabnimadii maanta soo billowday, illaa iyo caawana ka soconaya xaafadda Westland ee magaalada caasimadda ah ee Nairoobi.
Alxmdlilah Wan Kufaraxsanahy Jabka Cadowga Allah