Gaashaanle Sare oo katirsan Dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.

Rag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay gaashaanle sare oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, kaas oo naxdin iyo argagax ku noqotay dowladda.

Degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dilay gaashaanle sare Cabdul Qaadir Ibraahim Cabdulle oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda federaalka.

Raggii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga baxsaday, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka “Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay Sarkaal katirsanaa kooxda Ridada oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Weerarada iyo ugaarsiga gaarka ah ee lagu hayo saraakiisha dowladda federaalka ayaa kusii kordhaay magaalada Muqdisho, waxaana dowladda ay u taag heli la’dahay ka hortaga dilalkan qorsheysan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.