Ganacsade Maraykan ah Oo kamid ah dadka ku dhintay Weerarka Riverside ee Nairoobi.
Ganacsade caan ah oo u dhashay wadanka Maraykanka ayaa kamid ah kontomeeyada ruux ee ku dhintay weerarka ka dhacay magaalada Nairoobi ee caasimadda wadanka Kenya, kaas oo ay qaadeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ganacsadaha weerarka lagu dilay waxaa lagu magacaabaa Jason Spindler, wuxuuna maamule ka ahaa shirkad weyn oo laga leeyahay wadanka Maraykanka.
Waxaa xusid mudan in ninkan uu ka badbaaday weerardii waaweyna ee sanadkii 11 septembar 2001-da ay mujaahidiinta Al-Qaacida ku qaadeen magaalooyinka Washignton iyo Newyork ee dalka Maraykanka.