Horumar dhanka Ganacsiga ah Oo laga dareemayo Jannaale.(Sawirro)

Magaalada Jannaale oo kamid ah gobolka Shabeellaha-hoose, ayaa ku tallaabsanaysa horumar ballaaran oo dhan weliba leh, gaar ahaan dhanka ganacsiga.

Magaalada waxaa hoosyimaada tobanaan tuullo, waxaana maalinta Khamiista magaalada ka jira suuq weyn oo la isaga yimaado guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Maamulka Islaamiga ee gobolka Shabeellaha-hoose ayaa magaalada ka hirgeliyay ciidan xisbo, iyo maxaakiim islaami ah, oo loogu talalgalay iney xaqqa ku kala xukmaan dadka.

Jannaale waxaa lagu xusuustaa dagaalkii qaraaraa ee sanadkii 2015-ka magaalada ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Yugaandha, waxaana dagaalkaas Shisheeyaha looga dilay inkabadan 50 askari, halka maxaabiis nool noolna gacanta looga dhigay.

Tan iyo markaas oo ay magaalada isaga carareen Shisheeyaha, waxaa magaalada gacanta ku haya maamulka islaamiga, maalinba maalinta ka dambeysana waxay ku tallaabsaneysaa horumar muuqda.

Sawir-qaadayaal katirsan Warbaahinta islaamiga ee Al-Furqaan ayaa sawirro iskood u hadlaya kasoo qaaday qeybo kala duwan oo kamid ah magaalada, gaar ahaan suuqyada xoolaha nool, Electorooniga, Qudaarta iyo kuwa kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.