Howlgalka Riverside ee Nairoobi oo maalintii Labaad socda.
Weli waxaa magaalada Nairoobi ee caasimadda dalka Kenya ka socda dagaallo adag oo u dhexeeya ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo noocyada kala duwan ee ciidamada Kenya oo taageero ka helaya sirdoonno caalami ah oo Yahuuda iyo Reer-galbeedka u badan.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maalintii labaad waxay ka dhex dagaallamayaan dhismaha weyn ee Riverside ee xaafadda Westland ee magaalada Nairoobi, waxaana ciidamada dowladda Kenya ay awoodi la’yihiin iney gudaha u galaan dhismaha.
Khasaaraha ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxaana dhimashada inta hadda la ogyahay ay gaareysaa 50 ruux, oo 17 kamid ah ay yihiin cadaan, kuwaas oo yaala hal meel oo kamid ah dhismaha Riverside ee magaalada Nairoobi.
Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in muwaadin u dhashey dalkeeda uu kamid yahay dadka ku dhintay howlgalka weli ka socda dhismaha 14 Riverside, waxaana goobta ku jira muwaadiniin badan oo u dhashay wadamada Yurub.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana Dowladda Kenya ay ku fashilantay sheegashada ah iney soo gebe-gebeysay duulaanka taas oo aan waxba kajirin, maadaama warbaahinta caalamka oo idil ay sheegayaan in weli xabaddu ka socoto dhismaha.