Howlgallo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha-hoose, Baay iyo Bari.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay silsilado weeraro ah ka fuliyeen saddex gobol oo ku yaala koonfurta iyo bariga Soomaaliya.

Haddii aan ku hormarno Koonfurta, ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaal fool ka fool ah waxay ku qaadeen fariisin ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Buufow oo hoosyimaada magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaal kulul oo in muda ah socday ayaa dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo Shisheeyaha, waxaana daryanka rasaasta laga maqlayay goobo ka baxsan halka lagu dagaallamay.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaraxyo ku weeraray saldhig ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo.

Dhowr qarax ayaa lagu tuuray saldhigan ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Koonfur-galbeed, waxaana la rumeysanyahay iney jiraan khasaare gaaray ciidamada.

Ugu dambeyn gobolka bari, ciidamada Mujaahidiinta ayaa qaraxyo xoogan ku weeraray xarunta bankiga ee magaalada Boosaaso ee gobolka bari.

Bankiga la weeraray waxa iska leh maamul goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Gaas, lamana helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobollada kala duwan ee Soomaaliya ayaa sii laba jibaaray howlgallada jihaadiga ah ee ka dhanka ah Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.