Lubnaan oo uu ka furmay shir looga hadlayo arimaha dhaqaalaha wadamada Carabta.

Magaalada Beyruut ee caasimadda wadanka Lubnaan waxaa ka furmay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen mada ka socota wadamada dowladaha Carabta, shirkaas oo looga hadlayo arimaha dhaqaalaha.

Madaxweynayaasha qaar kamid ah wadamada carabta ayaa kulanka ka qeybgalaya, halka inta ugu badan dalalka carabta ay soo direen wasiirada arimaha dibadda, waxaana madaxweynayaasha jooga kamid ah amiirka Qadar, iyo madaxweynayaasha wadamada Murutaaniya iyo Lubnaan.

Madaxweynayaal badan oo carbeed ayaa ka cudur daartay ka qeybgalka kulankaas, kaas oo looga hadlayo arimaha dhaqaalaha wadamada carabta.

Dowladaha kulanka isugu yimid ayaa ka doodaya in la maalgashada wadamada marti geliyay qoxootiga wadanka Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.