Qarax Askar Lagu dilay Oo ka dhacay Muqdisho.

Caawa fiidkii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax weyn oo lala eegtay gaari ciidan oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Qaraxa waxa uu haleelay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka, waxaana qaraxa uu haleelay gaariga isagoo marayay qeybo kamid ah degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qaraxan, waxaana goobta qaraxa soo gaaray ciidamo katirsan dowladda.

Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso ciidamada dowladda, saraakiishooda, iyo ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.