Qof hubeysan oo Maraykanka ku dilay shan ruux.
Wararka naga soo gaaraya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in qof hubeysan uu weerar ka fuliyay goob ay ku sugnaayeen dad Ameericaan ah, isagoona dilay tiro dhowr qof ah.
Qof hubeysan ayaa weeraray banki ku yaala magaalo kamid ah gobolka Florida ee wadanka Maraykanka, waxaana uu dilay ugu yaraan shan ruux.
Police-ka gobolka ayaa shaaca ka qaaday in ruuxa weerarka fuliyay uu da’ ahaan jiro 21 sano, islamarkaana uu isku soo dhiibay Police-ka.
Lama oga sababaha rasmiga ah ee ku riixay qofkan inuu fuliyo weerarka, balse dowladda Maraykanka kuma tilmaamin weerar argagixiso, taas oo muujineysa in fuliyaha weerarka uusan ahayn qof muslim ah.