Sarkaal katirsan Wasaaradda arimaha gudaha Oo Muqdisho Lagu dilay.

Waxaa goordhoweyd mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir lagu dilay sarkaal sare oo katirsan dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay sarkaal lagu magacaabo Cabdi Madoobe, kaas oo katirsanaa wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Xaafadda Al-barako ee degmada Hodan ayuu ka dhacay dilka, waxaana goobta si nabad geliyo ah isaga tagay raggii dilka geystay.

Dilalka qorsheysan ee lagu ugaarsanyo xubnaha iyo saraakiisha dowladda federaalka ayaa aad usii kordhay, waxaana dilka sarkaalkan uu kusoo aadayaa, xilli qarax xalay ka dhacay isgosyka Carwa Idka lagu dilay ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciidamada dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.