Sheekh Cali Dheere: Weerarkii Riverside ee Nairobi wuxuu Jawaab u ahaa Tallaabadii uu Trump Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda.

Sheekh Cali Dheere; Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Shir Jaraa’id oo uu qabtay Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu kaga hadlay howlgalkii ciidamo katirsan Mujaahidiinta ay ku qaadeen dhismaha Riverside ee magaalada Nairoobi, kaas oo soo billowday maalintii shalay oo Talaado ahayd.

Sheekha ayaa sheegay in howlgalka loogu magacdaray “Qudus lama Yahuudeynayo”, uuna jawaab u ahaa tallaabadii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Al-Qudus iney tahay caasimadda maamulka Yahuudda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarka ay ku dhinteen kontomeeyo ruux oo ay ku jiraan dad u dhashey wadamada Reer-galbeedka gaar ahaan Maraykanka, uuna billow u yahay howlgallo furan oo qaaradda Africa lagula beegsan doono danaha Reer-galbeedka iyo Yahuudda ee Qaaradda Africa.

Halkan ka dhagayso Sheekh Cali Dheere oo ka hadaly Weerarki Riverside ee Nairoobi.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.