Shirkadda Duulimaayada Itoobiya Oo Joojisay Duulimaadyadii Muqdisho iyo Adis Ababa.

Shirkadda duulimaadyada Itoobiya Airline ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay ku imaaneysay magaalada Muqdisho, iskuna xirayay caasimadda Soomaaliya iyo magaala madaxda wadanka Itoobiya ee Adis Ababa.

Itoobiya Airline waxay sheegtay iney joojineyso duulimaadyadii isku xirayay labada magaalo, sababo la xiriira cabsi dhanka amaanka ah oo soo wajahday dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo gumaad iyo xasuuqba ku haya shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.

Joojinta duulimaadyada diyaaradda Itoobiya Airline ayaa imaaneysa xilli dhawaan dalka Kenya uu ku dhacay weerar ballaaran oo lagu qaaday dhismaha Riverside ee magaalada Nairoobi.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday diyaarad ka duushey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana weerarkaas lagu beegsaday saraakiil cadaan iyo Turki ah oo ku socday dhanka Jabuuti.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.