Talis ay degnaayeen ciidamada Gaarka xukuumadda Kaabul Oo La Weeraray.
Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee maanta ay ciidamo katirsan Imaarada islaamiga ah ay weerar ku qaadeen talis weyn oo ay deganyihiin ciidamada sida gaarka u tababaran ee xukuumadda Kaabul, kana amar qaata ciidamada Maraykanka.
Weerarka ayaa lagu billabay camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyay naftii hure kaxeynayay gaari nooca Hamvy ah, oo ku qarxay afaafka hore ee saldhiga, waxaana markaas kadib xerada u daatay inqimaasiyiin katirsan imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Xarunta la weeraray waxay ku taallaa magaala madaxda gobolka Meydana wardak ee dhaca koonfurta dalka Afqanistaan, waxaana weerarka oo socday dhowr saacadood oo xiriir ah khasaare ba’an lagu gaarsiiyay saraakiil iyo ciidamo katirsan xukuumadda Kaabul.
War kooban oo kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxaa lagu sheegtay mas’uuliyadda howlgalka, iyadoona Imaaradu ballanqaaday iney soo gudbin doonto faafaahinta la xiriira howlgalka.
Shabakadda Tolo News oo soo xiganeysa saraakiil katirsan xukuumadda Kaabul ayaa xaqiiijisay in weerarka uu geystay khasaare badan oo gaaray ciidamada iyo saraakiisha ku sugnaa xarunta la weeraray.
Mid maid ah saraakiisha la hadlay shabakadan ayaa xaqiijiyay dhimashada 28 ruux oo u badan saraakiil muhiim u ah xukuumadda Kaabul, halka inta soo hartana ay ahaayeen ciidamada, wuxuuna intaa ku daray in weerarka lagu daah furay qarax weyn, kadibna ay xerada soo galeen rag hubeysan.
Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa dardar gelisay howlgallada Jihaadiga ah, waxaana dalka Afqaanistaan ka socda howlgalka Al-khandaq, kaas oo sii xoogeystay tan iyo markii uu billowday sanadkan 2019-ka.