Tobanaan Askari Ameerikaan ah oo ku waxyeeloobay dagaal ka dhacay dalka Afqanistan.

Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ee muslimka ah ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay tobanaan askari oo Maraykan ah, kadib markii uu iska hor imaad dhexmaray ciidamada Maraykanka iyo kuwa Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Ciidamada Maraykanka ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay weerar kusoo qaadeen deegaan ay maamulaan mujahaidiinta Imaarada islaamiga, halkaasna waxaa ku qabsaday kamaa’in qorsheysan ee horey loogu dhigay.

Sida muuqatay ciidamada Imaarada islaamiga ayaa ka war hayay dhaq-dhaqaaqa iyo dhagarta ay damacsanaayeen ciidamada Maraykanka, taas oo keentay in loo diyaar garoobo, islamarkaana wacdaro adag la kulmaan.

Ciidamada Maraykanka ayaa weerar qorsheysan kusoo qaaday xabsi ay maamusho Imaarada oo ku yaala deegaanka Bazi oo hoosyimada magaalada Aab-band ee gobolka Qazni.

War kooban oo kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta ay si geesinimo leh isaga caabiyeen duulaanka lagu soo qaaday, islamarkaana ay Maraykanka gaarsiiyeen waxyeello dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ugu yaraan 20 Askari oo isugu jira Maraykan iyo kuwa malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul ayaa la xaqiijiyay iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka fashilmey ee ay kusoo qaadeen deegaannada ay maamusho Imaarada islaamiga ee Afqaanistan.

Inta badan ciidamada Maraykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabul ayaa xilliyada habeenkii waxay fuliyaan weeraro qarbudaad ah oo ay ku doonayaan iney ku qal-qal geliyaan shacabka lagu maamulo Shareecada Islaamka, balse ciidamada Imaarada ayaa feejigan, kana hortaga isku dayadaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.