Uganda oo ka cabaneysa Mushaar la’aan heysta ciidamadeeda jooga Soomaaliya.

Dowladda Yugaandha oo qeyb ah Shisheeyaha kusooo duulay dalka Soomaaliya ayaa ka cabaneysa mushaar la’aan baahsan oo soo food saartay ciidamadeeda qeybta ka ah shisheeyaha AMISOM ee duulaanka ku jooga dalkeena.

Yugaandha waxay sheegeysaa in dhowr bilood oo xiriir ah aan ciidankeeda jooga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ilaaliya xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho aysan qaadan wax mushaar ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Yugaandha ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan bixin mushaaraadak ciidamada Yugaandha ee ilaaliya xafiisyadeeda Muqdisho afar bilood oo kaamil ah.

Hadda dowladda Yugaandha waxay wadahadallo kula jirtaa Qaramada Midoobay, waxayna dooneysaa in la siiyo lacag gaareysa 2.4 milyan oo doollar oo ka maqan ciidamadeeda, taas oo ah isku darka mushaaraadka inkabadan 500 oo askari oo afar bilood oo kaamil ah.

Si guud Shisheeyaha ayaa ka sheeganaya dhaqaale xumi baahsan oo soo food saartay, waxaana midowga Yurub uu hadda ku adkeysanayaa in dalka Soomaaliya laga saaro ciidamo gaaraya kun askari oo ka socda dowladda Burundi.

Inkabadan 10 sano ayay ciidamada Shisheeyaha ee huwan magaca AMISOM ka howlgalayaan dalka Soomaaliya, waxaana hadda ay isku diyaarinayaan ka bixitaanka dalka, maadaama ay awoodi waayeen xaqiijinta ahdaaftooda ee ka dhigan baaba’inta Mujaahidiinta iyo gaaleysiinta dadka muslimiinta ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.