Weerar Askar Lagu dilay oo Baydhabo ka dhacay.

Ciidamda Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar khasaare dhaliyay ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha magaalada ayaa lagu dilay 2 askari oo katirsan maamulka maqaarka saarka ee Koonfur-galbeed.

Dadka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay lasoo gudboonaatay baqdin xoog leh, kadib markii magaalada ay kusoo bateen weerarada ay fulinayaan ciidamada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.