Weerar Lagu dilay Kudhawaad 20 Askari Oo ka dhacay Jubbooyinka.

Qarax xoogan ayaa lala helay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmad Madoobe.

Gaari nooca Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa qarax culus lala eegtay, xilli uu marayay inta u dhexeysa Dhoobley iyo Afmadow.

Ugu yaraan 19 askari oo katirsan maamulka Jubbaland ayaa durba ku quur baxay qaraxa, halka uu dhaawac halis noqday askari kale, waxaana taas ay ka dhigantahay in dhamaan ciidamadii saarnaa gaariga ay dhinteen marka laga reebo askariga dhaawacmey.

Ciidamada ku dhintay qaraxan waxaa kujira sarkaal sare oo lagu magacaabo Aadan Maleriya, kaas oo sawiradiisa lagu baahiyay baraha Internetka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu laayay ciidamada maamulka Jubbaland.

You might also like
1 Comment
  1. Abufatima says

    Murtad qoorta Ka gooya
    Mooryaan waalan dilweeye

Leave A Reply

Your email address will not be published.