Weerarkii Maali Wuxuu Jawaab u ahaa Booqashada Natanyahu ee Chaad.(Bayaan)

Jamaacada Nusratul Islaam wal muslimiin ee ka jihaada wadamada saxaraha iyo saaxilka Africa ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgal ballaran oo lagu dilay ciidamo katirsan Qaramada Midoobay, kaas oo ka dhacay wadanka Maali.
Bayaan kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayna baahisay mu’assasada Az-zallaaqa ee ku hadasha afka Jamaacada ayaa looga hadlay weerarkan ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Kedaal iyo weliba sababaha rasmiga ah ee loo qaaday.
Qazwada ay fuliyeen mujaahidiinta Nusratul Islaam waxaa loogu magacdaray” Qudus Lama Yahuudeynayo”, waxaana lagu soo aadiyay iyadoo dalka Chaad uu booqasho ku joogo ra;iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamain Natanyahu.
Isfiftaax kadib, waxaa bayaanka looga hadlay sida dowladaha carabta iyo kuwa caalamka islaamka oo idil ay ugu dadaalayaan sidii xiriir muuqda oo toos ah ula yeelan lahaayeen Yahuuda xooga ku heysata dhulka muslimka ah ee Filastiin.
“Booqashada madaxweynaha Chaad Idriis Deebi uu ugu tagay Natanyahu, waxaa jawaab ku haboon ka bixiyay mujaahidiinta Maqribul Islaam, jawaabtii ugu horeysana waxay kusoo aaday booqashada Natanyahu ku yimid Najamina. Qorsheyn sugan kadib waxay walaalihiina mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo ka socda dowladda Chaad oo ku yaala magaalada Aglahook ee gobolka Kedaal” ayaa lagu yiri bayaanka ay faafisay mu’assasada Az-zallaaqa.
Wuxuu bayaanku intaas sii raaciyay “Mujaahidiinta waxaa u suuragashey iney la wareegaan wadooyinka laga soo galo magaalada, kadibna ay weerar ku qaadaan saldhiga ay ku sugnaayeen ciidamada Chaad, waxaana durba goobta ku waxyeelloobay 30 askari, kuwaas oo noqday dhimasho iyo dhaawac, iyadoona Allaah fadligii ay aad u liitaan dhaawacyada”.
“Xilli mdaxweynaha Chaad oo gacal u ah Yahuuda iyo Nasaarada uu Najamiina kusoo dhaweynayay ra’iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Natanyahu, waxay ciidamadiisu qaabilayeen rasaasta mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ee Azawaad, haddii xukuumadda Chaad ay dib u billowday xiriirka ay la leedahay Yahuudda, Mujaahidiintuna way ka san taageen inuu go’o xiriirka ay la leeyihiin Beytul-Maqdas, oo ah halkii loo dheelmiyay Nabi Muxamad sallaahu caleyhi wasallam” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Nusratul Islaam.
Mar uu bayaanku soo hadal qaaday sababaha rasmiga ah ee loo qaaday weerarkan, ayaa lagu sheegay iney tahay fulinta towjiihaadka hogaanka sare ee Al-Qaacida gaar ahaan Sheikh Ayman Ad-dawaahiri, kaas oo marar badan mujaahidiinta ku amray inay fashiliyaan cilaaqaadka maamullada ay la leeyihiin Yahuudda.
Gebe-gebada bayaanka kasoo baxay Nusratul Islaam, islamarkaana ay baahisay mu’assasada Az-zallaaqa waxaa labo fariin oo muhiim ah loogu diray muslimiinta ku nool dalka Chaad iyo kuwa kunool hareeraha Beytul Maqdas.
“ Waxaan halkan farriin uga direynaa dadka sharafta leh ee xurta ah, kuna nool dalka Chaad, waxaan ugu baaqeynaa iney hor istaagaan falal dembiyeedyada uu ku kacyao dhaaqiga Idriis Deebi, iyo isku dayadiisa ku aadan inuu xiriir muuqda la sameeyo Yahuudda, waxaan sidoo kale ugu baaqeynayaa dhamaan shacabka muslimka ee Chaad, ee u qiiroonaya diintiisa iyo masjidul Aqsaa iney talada ka tuuraan khaaa’inkan dooonaya inuu xiriir wanaag la sameysto Yahuudda”.
Fariinta kale ee ku socota muslimiinta ku nool hareeraha Beytul-Maqdas ayaa u dhigneyd sidatan “ugu dambeyn waxana fariintan u direynaa muslimiinta kunool hareeraha Beytul-Maqdas, waxaana leenahay, waxaan ka dagaallameynaa saxaraha iyo buuraha Africa, qalbiyadeenuna idinka ayay idin la jiraan, carabkeenuna idinka ayuu idin soo duceynayaa, waxaana idin ku leenahay hadalkii uu uu yiri sheikh Usaama raximahullaah ee ahaa “.dhiiga caruurtiinu waa dhiiga caruurteena, dhiiga dhiig ayaan ku gudenyaaa, bur-burintana bur-burin ayaan uga jawaabeynaa, Allaah-na waxaan marqaati gelineynaa inaan idin hoojin doonin, illaa ay guushu ka dhameystiranto ama aan dhadhamino wixii uu dhadhamiyay Xamzata-bin Cabdil-mudhalib radiyallaahu canhu”.
Dhinac kale Qaramada Midoobay oo ka hadashay weerarka ka dhacay dalka ayaa cambaaryesay weerarkaas, iyadoona hosta ka xariiqday in khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh uu gaaray ciidamadeeda.
Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio ayaa sheegay in weerarkaas looga diay 10 askari, halka looga dhaawacay 25 kale, taas oo tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhigeysa 35 askari.