Weeraro Khasaare dhaliyay Oo lagu qaaday fariismiyaal Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah dowladda federaalka iyo Shisheeyaha ayaa habeennadii lasoo dhaafay waxay si xiriir weeraro kala duwan uga fulinayeen magaalda caasimadda ah ee Muqdisho.

Habeenkii xalay, ciiidamada Mujaahidiinta waxay weeraro ku qaadeen fariisimiyaal ay degmada Hodan ku leeyihiin ciidamo katirsan dwoladda federaalka.

Weerarada oo loo adeegsaday qaraxyo xoogan waxay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamadii goobta ku sugnaa.

Goobjoogayaal ay soo xiganeyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijiyay iney arkayeen tiro ciidamo ah oo dhimasho iyo dhaawac noqday, kadib markii lagu weeraray qaraxyada.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan dowladda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weeraradan, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.