Wilaayada Jubbooyinka Oo soo bandhigtay Saanad milliteri oo Mujaahidiintu ku qabsadeen dagaalkii Baar-Sanguuni.

Sheekh Maxa’ed Abuu Cabdalla waaliga wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa soo bandhigay qeyb kamid ah saanad milliteri oo ciidamada Mujaahidiinta ku qabsadeen dagaalkii ay ku qaadeen deegaanka Baar-Sanguuni.

Waxyaabaha uu soo bandhigay waaliga waxaa kamid ah gaari dagaal oo uu ku rakibanyahay qori Dhashiike ah, Aakiyaal, BKM-yo, iyo rasaas farabadan.

Abuu Cabdalla wuxuu baaq towbad keen ah u diray ciidamada maamulka Jubbaland, taas oo ah iney soo towbad keenaan, iskuna soo dhiibaan Mujaahidiinta.

Hoos ka daawo Sawirrada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.