Abuu Muscab oo sheegay iney waxyeello gaarsiiyeen Diyaarad Sahay u keentay Shisheeyaha, Hanjabaadna diray.

Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee 48-dii saac lasoo dhaafay la beegsadeen Shisheeyaha iyo dowladda federaalka.
Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday weeraro gobolka Gedo ku beegsaday ciidamada Kenya, iyo howlgallo ka dhacay Shabeellaha hoose, wuxuuna sheekhu xaqiijiyay inuu jiro khasaare gaaray dhinacyadii ay beegsadeen.
Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab, wuxuu hoosta ka xariiqey in diyaarad sahay u keentay ciidamada Uganda ee jooga Qoryoolay ay waxyeello gaarsiiyeen, isagoona ku hanjabay in mudooyinka soo socda la arki doono diyaarado ay Mujaahidiinta gubaan.
Hoos ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sheekh Abuu Muscab.