Askar katirsan maamulka Hir-Shabeelle Oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Hiiraan.

Weerar Jidgal ah ayaa loo dhigay ciidamo katirsan maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo ku safrayay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya.

Gaari nooca Biiji ah oo ay saarnaayeen tiro askar ah oo katirsan Hir-Shabeelle ayaa ku dhacay weerar kamiin ah oo ay u dhigeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Askarta Hir-Shabeelle ayaa kasoo baxay magaalada Baladweyne, waxayna kusii jeedeen degmada Maxaas, iyagoo maraya deegaan lagu magacaabo Orotan ayuuna weerarku qabsaday.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa ku dhintay weerarkaas 2 askari oo katirsan Hir-Shabeelle, halka waxyeello xoogan uu gaaray gaariga ay wateen ciidamada weerarka la kulmay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.